Skip to content

Soomaaliga

Marka la gaaro 3da Maajo 2012, dhamaan dadka ku nool magaalada London waxaa la siin doonaa jaanis ay ku doortaan Duqa magaalada iyo Xubnaha Maamulka.

Doorashadan waxaa weeye inaad  doorataan  qof idin matala  oo go’aano ka sameeya xaaladaha kala duwan ee noolashiina  maalin laha ah .  – laga bilaabo  tareenada dhulka hoostiisa mara, adeega basaska iyo booliiska ilaa iyo cagaarinta dhulka, nadiifinta hawada iyo Trafalgar Square.

Si aad codkaada u dhiibatid waa inaad:

  • Tahay18 jir ama ka wayn maalinta 3da Maajo 2012
  •  Tahay  Biritish, Wadamada Barwaaqa Sooranka ama u dhashay Midowga Yurub
  • Ku nooshahay London
  • Isu diiwaangalisay codaynta.

Doorashadan, waxaad yeelan doontaa sadex cod:

  • Hal cod waa duqa magaalada London
  • Hal cod waa qofka xukumya xaafadaada
  • Hal cod waa qofka u taagan magaalda London oo dhan

Marka aad codaynaysid, waxaa lagu siin doonaa sadex warqadaha codaynta ah.

Si aad u waxbadan uga ogaatid doorashadan , goobta codaynta, xiliga la codaynayo iyo sida loo buuxinayo sadexda waraaqood ee codaynta, fadlan ka soo rogo xagga hoose macluumaadka oo ku Somali. Waxaa waliba jira waraaqaha xayisiinta oo ku Somali hadii aad jeclaan lahayd inaad u sheegto dad kale inay iyaguna codeeyaan doorashada.

Fadlan la soco dhamaan waraaqaha codaynta waxay ku qoranyihiin af Ingiriis waraaqo turjumanna lagama heliyo goobaha codaynta. Hadii aad rabtid, waxaad la imaan kartaa qof goobta codaynta si uu kuu caawiyo inkastoo ay tahay inaad adigu buuxisid waraaqaha codaynta aadoo si xor ah u kala dooranaya

Hadii aad u baahantahay warbixin ku saabsan  sidii aad isku diiwaangalin lahayd, fadlan booqo www.aboutmyvote.co.uk

Fikradaada dhiibo. Codee 3da Maajo.

Useful downloads

Language

All languages